Ciidamada Dowladda oo gaaray Jalalaqsi iyo waan waan socota.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaallamayeen maleeshiyaad beeleedyo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ayaa shalay gaaray degmada Jalalaqsi, iyagoo wada dadaallo lagu xakameynayo colaadda dib uga soo cusboonaatay degmadaasi.

Mas’uuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo helo xal degdeg ah oo lagu soo afjaro dagaallada soo noqnoqday.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda degmada ay haatan tahay mid deggan, inkastoo ay weli socdaan waanwaanta iyo dadaallada lagu kala dhex galayo dhinacyadii ku dagaallamay Jalalaqsi.

Dowladda iyo maamulka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, isla markaana la ilaaliyo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada Degmada