Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Magaalada Jowhar

JOWHAR-AYAAMAHA-Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee  Haramcad ayaa xalay ilaa saaka waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay ay Magaalada Jowhar ku dagaalameen Ciidamada Ammaanka iyo Maleeshiyaad macawiisleey ah oo soo weeraray, kuwaas oo ka careeysnaa xarig Maamulka Hir-Shabeelle uu u geystay taliyahooda.

Ciidamada Haramcad oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka lagu arkay Xaafadaha qaar iyo wadooyinka waaweyn ee Magaalada Jowhar, iyaga oo mararka qaar baaritaano ku sameeynaya Gaadiidka.

Xaalada Mahaalada Jowhar ayaa haatan ah mid degan, waxaana saaka si caadi ah u Shaqeeynaya dhamaan Goobaha Ganacsiga oo badankood shalay ku xirmay dagaalkii ka dhacay Magaalada Jowhat ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.