Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay degaano dhawaan lala wareegay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamadda kala duwan ee Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal amni xaqiin ah ka sameeyay  inta u dhexeeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeellaha dhexe & Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidanka Millateriga,  Ciidanka Duufaan ee Nisa iyo Ciidanka Booliiska gaarka ah Haram-cad ayaa waxaa laga sameeyay degaannada u dhexeeya Balcad iyo Afgooye  oo ay kamid yihiin

Basra, Sapyo, Bakhdaad, Beled Al Kariim, Baldooska, Alifoow, Muryaaley, Daniga Baalow, Buula Xaansholey , kuwaas oo dhowaan laga saaray Al-Shabaab oo sanadihii ugu dambeeyay maamulayay.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga guud ee degaannada u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye.

Degaannada howlgalka Maanta laga sameeyay ayaa todobaadkii hore waxaa la wareegay Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya, waxaana qarax ka dhacay lagu dilay taliyihii qeybta Booliska Gobolka Banaadir Janeraal Farxaan Qaroole iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.