Ciidamada dowladda oo howlgal ku qabtay Koox Burcad ah

MUQDOSHO-AYAAMAHA-Howlgal qorsheysan amnigana lagu xaqiijinayay ayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwa Maamulka degmada Walanweyn waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmadaas, kaas oo lagu soo qabtay Koox burcad ah oo dadka dhici jiray

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen Gaddoomiyaha Dagmada ahna Duqa Degmada Wanlaweyn Ismaaciil Sheekh Abuukar iyo Taliyaha Ururka 64,aad Guutada 7aad Qeybta 60,aad  taliye Halac iyo Taliyaha ururka Daraawiishta Dagmada Wanlaweyn Taliye Cali juuc ayaa laga sameeyay tuulooyinka, Gololeey, Siigoole, Masiirey,
Buula cajuusa, lamagaras, Qaandhoole iyo Booraan.

Intii Ciidamada howlgalka kujireen ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen dhalinyaro Saraakiisha Ciidamadu sheegeen in ay ku howlanaayeen fal burcadnimo ah, kuwaas oo ay Ciidamada ku raadjoogeen todobaadyadii la soo shaafay.

Guddoomiyaha Dagmada  Walanweyn Ismaaciil Sheekh Abuukar  Sheekh ayaa waxa uu sheegay in ey howlgallada ay sii wadi doonaan inta laga cirub tirayo kooxaha Burcadda ah maadaama Maalmihii u dambeeyay ay  cabasho ka imaaneysay shacabka kuwaas oo ka sheeganayay in mararka qaarkood dhac loogu geysto agagaarka tuulooyinka howlgalka laga sameeyay.