Ciidamada Dowladda oo howlgal kula wareegay degaano u dhow Dhuusamareeb.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida Gaar ah u tababar ee Gorgor ayaa howlgal ay sameeyeen kula wareegay degaano dhowr oo hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug oo ay horay u joogeen Al-Shabaab.

Taliyaha Xasilnta Galmudug G/L Cabdi Maxamed Suulnuug ayaa sheeay in dagaal la’aan ay Al-Shabaab kala wareegeen degaano ay ku sugnaayeen, isla markaana ay Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

Waxaa u sidoo kale sheeay Taliyaha in howlgallada ay weli kasii socdaan degaannada hoostaga magaalada Dhuusamareeb oo mararka qaar ay alal amni darro ka geysan jireen Ururka Al-Shabaab.

Degaannada ay Ciidamada Goror Maanta la wareegeen ee duleedka magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dhowr jeer weeraro kasoo qaaday Xubno katirsan Urruka Al-Sabaab.