Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano katirsan Gobolka Baay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Millateriga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degaano katirsan Gobolka Baay oo ay maamuli jireen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada howlgalka fuliyay oo katirsan Ururka 46aad Guutada 8aad Qeybta 60aad ayaa la wareegay degaanadii ay howlgalka ka fuliyeen ee  katirsan Gobolka Baay, halkaas oo ay in muddo ah gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 46aad Guutada 8aad Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xidigle Cadow Mohamed Cabdi ayaa sheegay in howlgalka ku burburiyeen Xarun Maxkamad oo ay Al- Shabaab ku lahaayeen degaanka Moodo-Moodo ee Gobalka Baay sidoo kalena ay Ciidanku la wareegeen Saldhigyo Al -Shabaab ay ku lahaayeen degaanada Buulla -Fulaay Iidaalle Raama Cadooy iyo degaanka Moodo-Moodo.

Sidoo kale wuxuu sheegay taliyaha in Ciidamada Millateriga ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ilaa iyo inta degaannada Gobolka Baay ay ka saarayaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan gobolada dalka ka fuliya howlgallo kala duwan, hayeeshee ay mararka qaar weeraro toos ah iyo qaraxyo ay kala kulmaan dagaalamayaal katirsan Ururka Al-Shabaab..