Ciidamada dowladda oo qabsaday dhul ay heysteen Al shabaab.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka laga helayo deegaano iyo dagmooyin katirsan gobalka Mudug ayaa soo sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug iney la wareegeen goobo cusub.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug ay si buuxda ula wareegeen degaannada ku yaal Bariga iyo koofurta tuulada Qaycad, halkaas oo dagaalo culus ay ka dhaceen.

Sidoo kale Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in ay Ciidamada huwanta ah gacanta ku dhigeen Qiyaastii 20 qori, raashin, qalab isgaarsiin iyo qalab kale oo ay ka tageen Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa weli degaannada ku yaal Bariga iyo  koofurta tuulada Qaycad ka wada howlgallada oo ay hoggaaminayaan Saraakiil ay kamid yihiin Janeraal Saadaq Joon iyo Sanoter Cabdi Qeybdiid si degaannada Gobolka Mudug looga saaro Al-Shabaab.

Shalay ayaa degaannada Maanta ay Ciidamada la wareegeen waxaa ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday Al-Shabaab iyo howlgal dhulka ah oo ay sameeyeen Ciidamada Huwanta ah, taas oo keentay inay isaga baxaan Al-Shabaab.