Ciidamada dowladda oo qarka u saaran Guriceel iyo Ahlusunna wada dhaqdhaqaaq culus

Ahlusunna oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan bilaabay
Ahlusunna oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan bilaabay

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Xalay xili danbe deegaanka Ceel-dheere waxaa gaaray Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug, waxayna fariisimo ka sameysteen duleedka degaankaas.

Ciidamankaan labada dhinac ee kuwa dolwadda federaalka iyo Galmudug ayaa muddooyinka waday dhaqadhaqaa xooggan.

Waxay billlaabeen dhaq dhaqaaqyo culus, iyagoo howlgal ka sameeyey deegaanka Ceeldheere, waxaana warar ay sheegayaan in Ciidamadu ku wajahan yihiin degmada Guriceel si ay ula wareegaan.

Horey ayaa Ciidamo taabacsan Ururka Ahlusunna Waljamaaca waxaa ay la wareegeen degaanka Ceeldheere oo 28km dhanka Koonfureed uga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug una dhaxeeya Guriceel iyo Dhuusamareeb, hayeeshee ay xalay isaga baxeen.

Ahlusunna oo ayaa u muuqda kuwo kusoo aruuraya Degmada guriceel kadib markii Shalay ay ka baxeen Degmada Matabaan xalayna sidoo kale ay ka baxeen deegaanka Ceeldheere.