Ciidamada dowladda oo soo afjaray weerarkii Al-Shabaab ee Xarunta Gobalka Banaadir.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Amniga aysoo gabagabeeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada amniga oo ahaa kuwa aad u feejigan ay goobta ka fuliyeen hawlgal labo qaybood ah, qaybta hore oo ahayd badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen iyaga oo ku guulaystay in ay ka soo saaraan halkaas iyaga oo bad qaba.

Dowladda ayaa xaqiijisay in weerarkii xarunta maamulka gobolka Banaadir ay ku dhinteen 5 ruux oo shacab ah, afar kalena ay ku dhaawacmeen.

“Ciidamada amniga oo ahaa kuwa aad u feejigan ayaa goobtaas ka fuliyay hawl-gal labo qaybood ah, qaybta hore oo ahayd badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugnayd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen iyaga oo ku guulaystay in ay ka soo saaraan halkaas iyaga oo bad qaba,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

“Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ayay isna ciidamadu soo gabagabeeyeen iyaga oo toogtay Kooxdii Khawaarijta ahayd oo ka koobnaa 6 dhagarqabe.”

Falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan Al-Shabaab waxay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in Shabaab laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.