Ciidamada Haramcad oo xalay fuliyey howlgal gaar ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada haramancad ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen xaafadaha iyo duleedka Magaalada Jowhar.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ku baarayeen Guryaha qaarkood iyo Gaadiidka halka duleedka Magalada Jowhar ay ka sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Haramcad ee Magaalada Jowhar Xabiib Salaad Xureyste ayaa sheegay in had iyo jeer ay adkeyn doonan amniga magaalada Jowhar, isla markaana howlgalkooda uu ahaa mid looga hortagayo falalka amni darro ee ka dhaca Magaalada Jowhar.

Taliyaha oo Warbahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa sheegay in howlgalalda ay noqon doonan kuwa sii socda, waxaana uu Shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Amniga iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka careysnaa Sarkaal laga xiray, dagaalkaas oo lagu dilay dhalinyaro kamid ahaa ilaalada Madaxweynaha Hir-Shabeelle.