Ciidamada howlgalka ATMIS oo dad ay ku xir xireen Shabeellaha Dhexe la keenay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa tiro dad ah ku xir xireen degaano hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolkaasi Shabeellaha Dhexe.

Dadka la xir xiray oo gaaraya ilaa 8 Ruux ayaa laga qabtay degaanka Qura Faarax oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degaannada Caadleey iyo Miirtuugo, waxaana Ciidamada ATMIS ay dadkaasi ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada howlgalka ATMIS ayaa 8 Ruux waxaa ay keeneen Magaalada Muqdisho, iyada oo aan la ogeyn sida ay ka yeelanayaan, balse qaar kamid ah ehelada dadka la xir xiray ayaa sheegay in wax xiriir ah aysan la laheyn Al-Shabaab.

Howlgalkan ay Ciidamada ATMIS ku xir xireen dadka Shacabka ah ayaa kusoo beegmaya xilli Al-Shabaab todobaadyadii la soo dhaafay ay culeys xoogan saareen degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo weeraro dhowr ah ka fuliyay.