Ciidamada Israa’iil oo goordhow toogtay suxufiyad ka tirsaneyd Al-jazeera

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Yahuuda ayaa goordhow dilay wariyihii Aljazeera ee kasoo warami jirtay dhulka Falastiin Shireen Abu Akleh.

Mid ka mid ah saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Shireen Abu Akleh ay “dileen” ciidamada Israa’iil xilli ay ka warbixineysay weerar ka dhacay magaalada Jenin, oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay kordheen weerarada ay ciidamadu geysanayaan.

Iyadoo saakay tabineeysa war ku saabsan ciidanka Israel oo dagaalo kawada daanta galbeed ayey Madaxa xabad ugu dhufteen

Muuqaalo la baahiyay ayaa la arkayay Shireen Abu Akleh oo madaxa xabad uga dhacday.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa xaqiijisay geerida Abu Akleh, waxayna sidoo kale sheegtay in weriye labaad oo lagu magacaabo Ali Samodi isna la dhaawacay.