Ciidamada Itoobiya oo gudaha u galay magaalada Mekelle

Ciidamada Itoobiya ayaa gudaha u galay magaalada ugu weyn ee Maamulka Tigrey ee Mekelle sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in ciidamadiisu ay la wareegeen guud ahaan magaalada Mekelle iyadoo aysan dad rayid ah waxba ku noqon.

Hase yeeshee warar soo baxayay maanta ayaa sheegayay in madaafiic lagu duqeeyay caasimada Maamulka Tigrey ee Mekelle.

War uu ku daabacay boggiisa Twitterka ayuu ku sheegay Abiy Ahmed inuu ku faraxsan yahay in la soo afjaray howlgalkii Tigrey ayna ciidamadu joojiyeen howlgalka.

Ciidamada ayaa sii daayay kumanaan askar ah oo ay jabhada TPLF haysteen iyadoo garoomada diyaaradaha iyo xarumaha dowlada ay ciidamadu la wareegeen.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada dowlada Itoobiya maadaama magaalada Mekelle uu qadka internetka iyo taleefanadaba ay ka go’an yihiin.