Ciidamada Itoobiya oo TPLF kala wareegey goobo kale oo mahiim ah.

waddada halbowlaha ah ee isku xirta Waldiya iyo Maqale
waddada halbowlaha ah ee isku xirta Waldiya iyo Maqale

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay iney dagaal qaraar oo ay TPLF la galeen ay ku qabsadeen waddada halbowlaha ah ee isku xirta Waldiya iyo Maqale.

Warkan oo aan ka soo xigannay telefishiinka dowladda ee EBC ayaa sheegaya iney ciidamadu dagaal maalmihi u dambeeyey ay la galeen TPLF oo ka socday jiidda hore ee bariga dalkaasi iney ku qabsadeen waddadaasi.

Sida oo kale ciidamadu waxay sheegeen iney qabsadeen buuraha silsiladda ee Zoble oo iyo mgaalooyinka ku hareereysan sida Orjo, Fokiso iyo Booran.

Fallaagada TPLF dhankooda waxay dagaal qaraar u galeen sidi ay waddada Waldiya iyo Maqale isku xirto ay u dfaacan lahaayeen si aan loga qabsan balse ugu dambeynti dagaalka looga awood roonaaday.

Waddada ay ciidamada Itoobiya sheegeen iney TPLF ka qabsadeen ayey ku sheegeen iney go’doomineyso ciidamada fallaagada TPLF ee gudaha deegaanka Amxaarada ka dagaallamaya, saanaddi ciidan iyo maleeshiyaadki dhanka Maqale uga iman jirayna ay waayayaan wadda ay u soo maraan.

Ciidamadu waxay intaa ku dareen jiidda hore ee Wuchaale iney ku qabsadeen deegaannada Robiit, Golbo, Warabaabo, iyo Mile Koticha.