Ciidamada Kumaandooska Xoogga dalka oo jab wayn u gaystay maleeshiyada argagixisada.

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka oo Maleeshiyaad Ka tirsan,Al-Ashabaab Ku dilay gobolka Shabeelada hoose, Kadib howlgal qorshaysan oo ay ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Gor-gor ka fuliyeen deegaanka Ceel Maracadde ee gobolka shabeelada hoose.

Ciidamada ayaa Dilay maleeshiyaadkan ka tirsan argagixisada Al-shabaab, waxay sidoo kale halkaasi ku bur-buriyeen goobtii argagixisada shacabka soomaaliyeed uga qaadi jireen lacagaha baadda ah.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa intii ay howlgalka qorshaysan ku gudajireen waxay gabi ahaanba bur-buriyeen goobaha maleeshiyaadka Al-shabaab gabbaad u ahaa oo ay ka mid ahayd meel maxkamad beenaad u ahayd iyo xaruntii uruurinta lacagaha baadda ee shacabka ayka qaadijireen.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Gor-gor waxay argagixisada ka dileen 17-maleeshiyaad ah iyo 6 dhaawac ah sida uu ku soo waramay Wariyaha Idaacadda ciidamada Qalabka Sida Maxamed Cabdulaahi Shilaawe oo howlgalka goob joog ka ahaa.

Deegaanka Mara-cadde waa deegaan u dhexeeya dhulka Carro madowga ah iyo dhanka xeebta ee dagmooyinka Afgooye iyo Marka ee gobolka shabeelada hoose.