Ciidamada meliteriga oo saaka xiray waddooyinka qaar Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada xoogga dalka oo saaka udabaal degaya munaasabada markii la aas aasay 62 sano ka hor ayaa xirtay inta badan waddooyinka caasimada Muqdisho.

Isgoyska Tarabuunka waa la diiday in xitaa dadka lugeenaya ay isticmaalaan gaadiidka iska dhaafe,iyadoo inta badan ciidamo lagu arkayo waddooyinka.

Gaadiidka dagaalka ayaa waddooyinka lagu jaray waxaana shacabka oo lugeenaya lagu arkayaa jidadka waa weyn,munaasabada 12-ka April awgeed ayaana loo xiray.

Dhoolatus iyo gaardis ciidanka ah ayaa la filayaa inay ciidamada kusoo bandhigaan xuska maalintaan oo lagu qabanayo xarunta wasaarada gaashaandhiga Ee Muqdisho.