Ciidamada NISA oo qaaday howlgal culus kadib cabashadii reer Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska hay’ada NISA oo ka jawaabayay cabashada reer muqdisho ayaa qaaday talaaba muhiim ah iyagoo gacanta kusoo dhigay qaar kamid ah kuwa dhibaateya oo haben kasta dhaca u geesta bulshada kadib howlgal ay xalay sameeyeen.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee NISA ayaa xalay howlgal qorsheysay ka fuliyay xaafadaha degmooyinka  Howlwadaag, Warta Nabadam Yaaqshiid, Kaaraan iyo xaafada Gubadley waxana howlgalka fulinayay taliyaha nabad sugida gobalka Banaadir.

Muxudiin warbac shadoor talihaya nisa ee gobalka Banaadir ayaa u tagay dadkii haben ka hor dhaca loogu geestay magaalada Muqdisho, waxa uu sheegay inuu cadaalada hor keeni doono kooxihii burcadka ee ka danbeyay.