Ciidamada NISA oo sabab la yaab leh Muqdisho ugu dilay askari katirsan ciidanka Harmacad

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo ka tirsan Nabad Sugida Soomaaliya gaar ahaan qeybtooda Duufaan ayaa xalay fiidkii magaaada Muqdisho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Askariga la dilay oo magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdi Keydsane ayaa toogashadiisa waxa ay ka dhacday qeybo kamida xaafadda Suuqa Xoolaha ee duleedka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dilka uu ka yimid kadib markii ay kala shakiyeen askariga la dilay oo uu la socday mid kale oo Haramcad ah iyo ciidamada Duufaan oo xiligaasi howlgalo baaritaana ah waday, waxaa la sheegay in is rasaaseyn kooban ay dhex martay labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa ku waramay in gacanta lagu soo dhigay ciidamadii ka dambeysay dilka, haatanna su’aalo lagu weydiinayo mid kamida saldhigyada ku yaala gobolkan Banaadir.

Si kastaba, askariga la toogtay oo kamid ahaa ciidamadii u horeeyay ee lagu aasaasay booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa dhawaan uun aqal galay, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay qaar kamida ehelka marxuumka…