Ciidamada PSF ee Puntland oo dhufeyso waaweyn qotay iyo wararkii u dambeeyey.

Dhaqdhaqyo culus oo qalqal ku abuuray Saciid Deni.
Dhaqdhaqyo culus oo qalqal ku abuuray Saciid Deni.

GAROOWE-AYAAMAHA-Sarkaal ugu sarreeya ee PSF ayaa mar kale ku celisay in aysan aqoonsanayn xilka qaadistii Madaxweyne Siciid Deni ku sameeyay Agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano.

War ka soo baxay PSF ayaa lagu sheegay in aysan waxba iska beddelin mowqifkii hay’addu kaga hortimid xilka qaadistii uu sameeyay Madaxweynaha Puntland.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidanka PSF ee ku sugan Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso iney qoteen dhufeyso dagaal kaddib markii uu Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ciidankaas usoo magacaabay Agaasime Cusub.

Ciidamadan wada dhaqdhaqaaqa Ciidan ayaa ka gadoodsan Xil ka qaadis lagu Taliyahooda oo lagu Magacaabo Maxamud Diyaano , islamarkaana waxaa ay horrey u soo banayeen Dufeysyadii ay kaga jireen dagaalka ay Puntland kula jirto Kooxda Daacishta Soomaaliya.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF ee  ka amar-qaadan Agaasimaha xilka qaadista lagu sameeyay ayaa dhagaha ka fureestay dalabyada ku aadan iney xilka wareejiyaan waxaana ay hadda wadaan dhaqdhaqyo culus oo qalqal ku abuuray Saciid Deni.