Ciidamada Puntland oo Sheegtay inay dileen dagaal yahano katirsan Daacish.

GAROOWE-AYAAMAHA-Ciidamada maamul goboleedka Puntland, ayaa diley laba kamid ah dagaal yahanada kooxda dowladda Islaamka, agagaaraha Bali Dhidhin oo ku taalla gobolka Bari, waqooyi bari Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in ciidamadu dileen dagaal yahanadan, kagadaal markii qarax la galiyey dhulka lagu bartilmaameed sadey kolonyo ciidamo ah, meel u dhaw tuulada Xamure ee Bali Dhidhin. Hal askari ayaa ku dhaawacmey weerarkan.

Mid kamid ah labada dagaal yahan ee kooxda dowladda Islaamka, ayaa ah sawir qaade katirsan kooxdan, kaasoo duubayey video-yada ay isticmaalaan kooxda.

Warbaahinta ayaa daabacdey sawirada meydka dagaal yahanada iyo agabkii ay wax ku duubayeen.

Dhacdadan ayaa timid saddex maalmood kadib, markii kooxda dowladda Islaamka iyo ururka kale ee uu dagaalka kala dhaxeeyo ee al-Shabab, ay wada sheegteen weerarkan ka dhacey gobolka bari ee waqooyi bari Soomaaliya.

Labadan koox ee uu dagaalku ka dhaxeeyo, ayaa sheegay in bartilmaameed kooddu ahaa ciidamada kolonyada ah, ee galbinayey wasiirka amniga ee maamul goboleedka Puntland, Cabdulsamad Gallan, iyo taliyaha ciidamada booliiska maamul goboleedka Puntland, Yaasiin Cumar Dheere.