Ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Puntland oo lagu arkay Galmudug

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee PSF oo ay leedahay Puntland ayaa ku biiray gulufka dagaal ee la doonayo Shabaab in looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Koofurta gobolka Mudug oo ay Galmudug ka arrimiso.

Wararka la helayo waxey sheegayaan in cutubyo ka tirsan ciidankan oo si aad ah u hubeysa watanna gaadiidka dagaalka lagu arkay degmada Hobyo, halkaaasoo abaabul dagaal oo ka dhan ah Shabaab uu ka socdo.

Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay dalabkii kasoo baxay Galmudug ee ku aadanaa inay ka qayb-qaadato dagaalka kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo koonfur gobolkaasi.

Galmudug ayaa dalabkan hordhigtay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, kaas oo isaguna gaarsiiyay madaxda kale oo si deg-deg ah uga soo jawaabay.

Puntland ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ay ku fulineyso dalabkaas, waxayna ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa PSF-ta geysay magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo uu haatan ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Gobolka Mudug ayaa labo u kala qeybsan, Koofurta waxaa ka arrimisa Galmudug, halka Waqooyigana ay heysato Puntland, iyadoo labada maamul ay iska kaashadaan sugida amniga iyo ciribtirka Shabaab oo caqabadooda ugu weyn ah.

Labadaan maamul ayaa horay ugu heshiiyay inay iska kaashadaan amniga, maadaana ay ka kala taliyaan koonfurta iyo waqooyiga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.