Ciidamo Badan Oo Saaka Lagu Arkay Waddooyinka Magaalada Beledweyne.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay howlgalo kala duwan ka wada xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.

Ciidamada amniga dowladda ayaa howlgalka ka wada xaafaddo gaar ah oo bartilmaameed ah, iyagoona baaritaano ku saameynaya gaadiidka kala duwan ee isticmaalaya waddooyinka.

In ka badan 10 ruux ayaa la sheegay in lagu soo qabqabtay howlgalkan Ciidamada AMIOSM iyo kuwa dowladda ay ka sameeyeen Maaalada Beledweyne, kuwaas oo la geeyya Saldhiga Booliska Degmada.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka howlgalka wada ayaa laga soo xigtay in ujeedka saakay howlgalkaas Baladweyne uga socda uu yahay mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga, si looga hortego falal amni darro oo dhaca.

Warar kale ayaa sheegaya in dad careysan ay xalay xirteen wadada isku xirta Magaalada iyo Garoonka diyaaradaha Ugaas Khilaaf, isla markaana waxaa halkaas lagu jaray dhagxaan iyo birro, wallow saakay Ciidamada ay ka qaadeen.

Laamaha Amniga Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan weli kama hadlin howlgalkaas iyo dadka la xirxiray, hayeeshee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha ay ka dhacayaan doorashada Xildhibaannada labada Aqal.