Ciidamo Booliska AMISOM ah oo gaaray degmada Garbahaareey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Maanta degmada Garbahaareey oo ah Xarunta Gobolka Gedo ka degtay diyaarad siday Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Booliska AMISOM oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha & Ciidamada oo tiro ahaan gaarayaa ilaa labaatameeyo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Garbahaareey kusoo dhaweeyay Mamaulka degmada & Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha  & Ciidamada ka socda Booliska AMISOM ee gaaray degmada Garbahaareey ayaa waxaa ay qyeb ka noqon doonaan Ciidamada sugaya amniga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee dhawaan lagu qabanaayo halkaas.

Heshiiskii doorashooyinka oo ay wada gaareen Golaha wadatashiga Qaran ayuu qeyb ka ahaa in Magaalada Garbahaareey la geeyo Ciidamo ka socda AMISOM si si ay Booliska Soomaaliya uga caawiyaan sugida Amniga doorashooyinka.