Ciidamo caawa lagu soo daadiyey Muqdisho iyo cabsi laga dareemayo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa heegan la geliyey ciidamada amniga kadib markii laga war helay in gaari calaamada booliska ku buufsan yahay ay kooxda al shabaab damacsan yihiin in weerar ku fuliyaan.

Ciidamo badan ayaa lagu arkayaa caawa waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho kuwaas oo la war geliyey xog sirdoonku helay oo ah al shabaab ay doonayaan inay fuliyaan.

Shacabka ayaa loogu baaqay inay guryaha ku negaadaan oo aysan tegin goobaha la iskugu yimaado si loo yareeyo hadii weerarkaasi uu dhaco in khasaaraha la yareeyo.

Saraakiisha amniga ayaa waxay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan xogta sirdoon ay heleen iyo gaariga la sheegay in qarax la rabo in lagu fuliyo ee ku buufsan yahay calaamada booliska soomaaliya.

Kooxda al shabaab ayaa lagu jebiyey weerarada gobollada dalka taas oo laga digayo in caasimada ay kusoo wajahan yihiin weeraro naf halignimo ahna sameyn karaan.