Ciidamo cusub oo la wareegay Wsaaradda Warfaafinta Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo katirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada oo dheeraad ah islamarkaana wata gaadiid dagaal ayaa la geeyay Wsaaradda Warfaafinta Soomaaliya waxayna ku sugan yihiin gudaha iyo dibadda Wasaaradda, iyagoo shaqaalaha galaya iyo kuwa ka soo baxaya weydiinaya aqoonsi.

Ciidankaan ayaa ka socda xafiiska Madaxweynaha ilaa hadana ma shaacin ujeedkooda, hase yeeshee waxay diideen in aqoonsi la’aan la isuga gudbo gudaha wasaaradda, sida, dhismaha Raadiya iyo kan TV-ga oo sidoo kale ay ku yaalaan xarumaha madaxda wasaaradda.

Balse madaxtooyada ayaa dhanka kale sheegtay inaanay jirin ciidamo dheeraad ah oo la geeyay dhismaha wasaaradda warfaafinta.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli madaxweynaha Soomaaliya uu “amray in shaqadiisa uu sii wato” Fahad Yaasiin oo xilka madaxada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya uu ka qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble.