Ciidamo cusub oo Turkiga usoo tababaray Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Muddo xileedku dhamaaday  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta tababar usoo xiray ciidamo ka tirsan militeriga oo ka qalin jebiyay xerada tababarka cidamada ee Turksom.

Madaxweynaha wuxuu ugu baaqay saraakiisha qalinjebisay inay ka qeyb qaataan qorshaha dhismaha ciidamada difaaca dalka.

Farmaajo ayaa ugu mahadceliyay dadaalka ku aadan in ciidamada ay ku tababarto gudaha dalka.

Waxaana sidoo kale munaasabadda ku sugnaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz iyo mas’uuliyiin ka socotay dowladda.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Turkiga ayaa ciidamada Soomaaliya tababar ku siinayay xerada TURKSOM tan iyo sanadkii 2017, kadib heshiis milateri oo ay kala saxiixdeen labada waddan.

Turkiga ayaa rajeynaya in Soomaaliya uu u tababaro illaa 15 kun oo askari, si ciidamada xoogga dalka ay ula wareegaan ammaanka waddanka ay colaaddu ragaadisay.

Ujeedka laga leeyahay ciidamadaas ayaa ah in ay sugidda ammaanka dalka kala wareegaan ciidamada AMISOM oo lagu waday in sanadkan 2021 ay billaabaan qorshaha ay uga baxayaan dalka..