Ciidamo & Gaadiid dagaal oo la geeyey degaan u dhow Dhuusamareeb

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo ka tirsan Guutada 15-aad iyo GorGor ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay geeysay degaanka Bulacle oo qiyaastii 30km dhinaca bari kaga toosan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay farsiimo ka sameysteen deganka Bulacle iyo duleedkeeda, iyaga oo halkaasi howlgal ka fulin doona.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Guutada 15-aad ayaa waxaa ay sheegeen  in Ciidamadan loo qorsheeyay inay sameeyaan howlgal Al-Shabaab looga saarayo degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ay dowladda Soomaaliya geysay degaanka Bulacle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ciidanka dowladda & kuwa Daraawiishta Galmudug ay howlgal ka wadaan Koonfurta Gobolka Mudug, isla markaana ay la wareegeen degaanka Bacaadweyne.