Ciidamo Hor Leh Oo Galabta Laga Dejiyay Gobolka Gedo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhowr Diyaaradood oo Waday Ciidamo ku labbisan dareeys aan horay loogu arag Millateriga Soomaaliya ayaa ka dagan Garoonka Degmada dolow, waxaana si weyn halkaasi ugu soo dhaweeyay Saraakiil iyo Ciidamo kale oo kaga horreeyay Goroonka.

Ciidaman farabadan ayaa dowladda Soomaaliya galabta ka dajisay Garoonka Diyaaradaha Degmada Dolow ee Gobolka Gedo, waxaana Ciidankaan ay qayb ka yihiin Ciidamo ay Dowladda Soomaaliya tan iyo Maanta ku daabuleysay Gobolkaasi.

Ciidanka oo ah kuwo aad u hubeysan ayaa waxaa si gaar ah u soo dhweeyay Maamulka degmada Dooloow iyo Mas’uuliyiin kale.

Saraakiisha Ciidankaas hor kacaya weli kama hadlin sababta rasmiga ah ee ka dabeysay in Gobolkaasi maanta Ciidan laga dajiyo, balse waxaa jirta Xiisad xooggan u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay in abaabul Ciidan ay ka wado xuduudka gaar ahaan dhinaca Mandheera , waxaana dowladda ay sheegtay in arrintaas ay tahay mid u muuqata daandaansi dagaal.