Ciidamo horleh oo katirsan GorGor oo galabta ka dagay Dhuusamareeb.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa laga dareemayaa saansaan dagaal iyo abaabul ciidan, kuwaas oo ku wajahan Magaalada Guriceel oo Gobolka Galgaduud halkaas oo ku sugan Ururka Ahlu-sunna oo ku dhawaqaaqay inay la dagaalami doonaan maamulka Galmudug.
Ururka 5-aad ee Gorgor ayaa dib loogu soo celiyay Magaalada Dhuusamareeb oo ay iminka ka dagtey diyaaradii ugu horeysay ee sida qayb ka mid ah Ciidankaasi, waxa ay xoojin u noqonayaan ururka 13-aad, Guutada 17-aad ee kumaandooska oo hore Dhuusamareeb u joogay.
GorGor ayaa qayb ka ah kumanaan askari oo loo diyaarinayo in ay ka qayb-galaan howlgal balaaran oo dib gacanta dowlada loogu soo celinayo Magaalada Guriceel ee Jimcihii ay qabsatey Kooxda hubeysan ee Ahlusunna.
Siyaasiyiin badan ayaa ku baaqaya in la joojiyo abaabulka dagaal ee ay wadaan maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna kuwaas oo geysan kara khasaaro hadii uu billowdo dagaalka.