Ciidamo hubeysan oo isku horfadhiya Beledweyne iyo wararkii u dambeeyey.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Xaalada Xeradii Hore ee Ciidanka Cirka Lamagalaay Fariisanna u aheyd gaaska 5aad ee CXD ayaa Caadi kusoo Noqotay Kadib Markii Ciidan uu Wato Taliyaha Booliska Hirshabeelle Korneyl Xasan Dhicisoow iyo Ciidan u Badnaa Millitari oo Maalmihii u Danbeeyay Gadoodsanaa uu dhexmaray Muran Kusigtay inuu isu Badallo Gacan Kahadal.

Mar Qura ayuu xaalka Lamagalaay is Badalay Kadib Markii ay aagag Kala Galeen Ciidankii Taliye Dhicisoow iyo Ciidankii Kale.

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf iyo odayaasha Beesha ayaa ku Baxay taag taagan iyagoo Ciidankoodii Gadoodsanaa Ku amray ineeysan Wax Xabad ah Ridin.

Sidoo Kale Ciidankii Taliyaha Booliska Hirshabeelle Ayaa ugu Danbeyn Dib ugu Noqday Fariisimahoodii.