Ciidamo iyo gawaari dagaal oo farabadan oo caawa lagu Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo iyo gawaarida dagaalka ee Gorgor ayaa caawa lagu arkayaa Isgooysyada Soobe iyo korontada ee magaaladda Muqdisho.

Ciidaman oo wata gawaarida dagal ee Beebaha iyo hub oo ka yimid dhanka xerada Turkisom ayaa caawa muddo xanibay isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka ee wadda Xalane ilaa isgoyska korontada.

Ciidamadan ayaa lagu qiyaasay ilaa 40 meeye gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

Goobjooge ku sugan isgoyska korontada ayaa sheegay in dadka deegaan ay cabsi soo wajahday kadib markii in muddo ah ay ciidamada ku sugnaayeen Xalane ilaa korontada, iyagoo xanibay isu socodka gaadiidka.

Lama oga ujeedka rasmiga ee ciidamadan ay ugu soo baxeen xeradii ay deganaayeen.