Ciidan aad u farabadan oo u ruqaansaday dagaalka Al shabaab ee Shabeellada dhexe.

JOWHAR-AYAAMAHA-Ciidamo farabadan oo ka tirsan Xoogga dalka ayaa shalay ka amba baxay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo si iskood ah isu abaabulay.

Saraakiisha Hoggaamineysa Ciidamada ayaa sheegay in howlgallada u horreeya ka billaabi doonaan Gobolka Shabeellada Dhexe.

Mas’uuliyiin kala duwan oo iyaguna ka hadlay goobta ay ka ambabaxeen Ciidamada ayaa sheegay in kaliya aysan ku hakan doonin gobolada Shabeellada Dhexe, balse sii wadi doonaan howlgalka ilaa Galgaduud iyo Mudug.

Waxaa sidoo kale ciidamadan ku jira kuwa loo yaqaano Macawiisleyda ama kacdoonka Shacabka iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay la wareegaan deegaano ay heestaan Shabaabka.