Ciidan hubeysan oo la wareegay xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka inaga soo gaaraya madaxtooyada soomaaliya ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo halkaas,iyadoo amniga aad loo adkeeyey.

Askar la sheegay inay xoojin utahay kuwii hore ugu sugnaa Villa soomaaliya oo kasocda howlgalka ATMIS ex AMISOM ayaa laqorsheynayaa in lageeyo Madaxtooyada.

Xogta ayaa tilmaameya in, Saraakiisha howlgalka ATMIS ayaa saaka tagey Madaxtooyada qaranka, gaar ahaana Xaafiiska Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey labadii cisho ee lasoo dhaafay, cabsida laga qabo weeraro Argagixiso oo lagu bartilmaameedsado mid ka mid ah albaabada laga ilaaliyo Villa Soomaaliya, xili ay xoogeysanayaan fariimaha digniinta laga bixinayo weeraro bahalnimo oo ay qorsheynayaan Argagixisada al shabaab.

Ciidamada Ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hubin lagu sameeyey ama la baaray, markii ay soo baxeen macluumaad sheegaya in qof laga shakisan yahay laga dhex qabtay, kaas oo haystay hub kabaxsan kii lagu ogaa oo ay kujiraan Miino.

Saraakiisha ciidamada ATMIS ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin wax kasta oo amniga lagu carqaladeenayo,xilli ay soo baxeen tuhuno xubno katirsan Dawladda ay argagaxisadda ay la shaqeeyaan.