Ciidan ka goostay soomaaliland oo ku biiray maanta jabhada SSC

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo ka soo goostay maamulka Somaliland ayaa maanta ku biiray jabhada SSC ee fadhigoodu yahay aagga Degmada Buuhoodle.

Jabhada SSC ayaa goobo kala duwan kaga sugan gobolka Cayn tan iyo markii la aas aasayna waxay isku fidinaysay deegaanka.

Ciidankaan maanta gaaray buuhoodle ayaa ka soo kicitimay aagga gobolka Sool, waxayna hore u ahaayeen ciidamada Somaliland ah ee deegaanka ka soo jeeda.

Ma jirto war kasoo baxay dhinaca Laamaha amniga Soomaaliland oo looga hadlayo ciidanka dhankooda kasoo goostay kuna biiray Jabhada SSC.