Ciidan uu watay Saneey Cabdulle oo qarax lagu dilay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Inta la xaqiijiyay 10 Askari oo ilaalo u ah Korneyl Saneey Cabdulle ayaa geeriyootay halka tiro kale dhaawac uu soo gaaray kaddib markii Miino nooca dhulka lagu aaso loo geliyay inta u dhaxeysa Degmada Balcad iyo Deegaanka Gololey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Korneyl Saneey iyo kolonyada la socotay ayaa usii jeeday Degmada Jowhar xarunta DG Hir-Shabeelle oo maanta lagu qabanayo kuraas kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS oo mid kamid ah si gaar ah u quseeya.
Askarta dhimatay ayaa loo qaaday Magaalada Jowhar si loogu aaso, halka ku dhaawaca soo gaaray dib loogu celiyay Magaalada Muqdisho si loo daweeyo sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Waddada xiriirisa Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo u badan miinooyinka nooca dhulka lagu aaso, weeraro lagu qaaday mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan DG Hir-Shabeelle.

Waxaa yaraaday isu gudubka safarka dhulka ah ee Muqdisho & Jowhar ee Mas’uuliyiinta DG Hir-Shabeelle iyo Dowladda Federaalka sababo amni darteed, taa baddelkeed waxa ay xoogga saareen diyaaradaha ka shaqeeya magaalooyinkaan.