Ciidanka Ammaanka Galmudug Oo Fashiliyay Qarax Ismiidaamin Ahaa

DHM-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug gaar ahaan agagaarka degaanka Bacaadweyn ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray Saldhig ay leeyihiin ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Maamulka Galmudug ee ku sugan Koontoroolka Magaaladaasi ayaa la sheegayn inay fashiliyeen Qaraxaan oo ahaa ismiidaamin.

Wararku waxaa ay tibaaxayaan in Ciidanka ku sugan halka laga soo galo magaalada Bacaadweyne ay toogteen wadihii Gaarigaasi ay saarnaayeen waxyaabaha Qaraxa, waxaana la sheegay in Toogashada kadib uu qarxay Gaarigaasi laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

Waxaa la sheegayaa in aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay Qaraxa, marka laga Reebo Wadihii la toogtay iyo Gaarigii uu Qaraxa ku waday.

Wali Saraakiisha ammaanka Degaankaasi iyo kuwa Galmudug wax war ah kama soos aarin Qaraxaasi Ismidaaminta ahaa ee la sheegay in Ciidanku ay fashiliyeen.