Ciidanka ATMIS oo howlgal cusub ka bilaabay Xerada Xalane & agagaarkeeda

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska Ciiddanka nabad ilaalinta ee ATMIS ee ka howlgalla Soomaaliya ayaa Maanta howlgal ay ku sheegeen Amni xaqiijin ka bilaabay Gudaha Xerada Xalane Magaalada Muqdisho iyo Agagaarkeeda.

Qoraal kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in howlgalka uu socon doono laga bilaabo Maanta raariikhdu tahay 10 Bisha Apriil ilaa 16 Bishaan, isla markaana inta uu howlgalka socdo la joojin doono waxkasta oo dhaqdhaqaaq ah, lana xiri doono dhammaan nuuc kasta ganacsi oo Xalane ku dhexyaala.

Howlgalka ATMIS faah faahin kama bixin sababaha keenay howlgalka, hayeeshee wuxuu kusoo beegmayaa xilli la qorsheeynayo in 14-ka Bishaan Xerada Afisiyooni lagu dhaariyo Xildhibaananda labada Aqal, balse ay kamid tahay Goobaha la xirayo.

Sidoo  kale howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli uu xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Afrika kadib markii Ra’iisul Wasaare Roovle uu soo saaray Go’aan dalka loogu Eryayo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira, hayeeshee Midowga Afrika ay diideen.