Ciidanka badda Maraykanka oo badbaadiyay shaqaale Markab xamuul ahaa

Ciidanka Badda Maraykanka ayaa Arbacadii shalay badbaadiyay 15 shaqaale oo la socday Markabka Falcon Line oo ka diiwaan gashan waddanka Gabon, kaas oo ku degay Gacanka Cadmeed.

Xarunta howlgalka ilaalada ganacsiga badaha dalka Ingiriiska ee Gacanka Cadmeed ayaa ku wargelisay Markabka Patuxent ee ay leeyihiin Ciidanka Maraykanka inuu quusayo Markabka Falcon Line una baahan yahay gurmad, ka dib markii ay soo wajahday cillad sababtay inuu quuso.

Markabkan oo siday qalab u badan Matoorro ayaanan la shaacin halka uu ka yimid iyo halka uu u rarnaa toona, iyadoo shaqaalihii la badbaadiyayna la mariyay xaalad xaafimaad si loo hubiyo badqabkooda.