Ciidanka Booliiska oo soo bandhigay waxyaabaha Maanka dooriya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Howlgal saacado badan qaatay ayna hoggaaminayeeen Taliyaha qeybta Bari, Taliyaha Saldhiga Booliiska Yaqshiid iyo guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa waxaa ay ciidmada boolisku ka sameeyeen waqooyiga magaalada Muqdisho oo ay mudooyinkii dambe ka dhacayeen falal lidi ku ah amniga Caasimadda.

Howlgalkaan ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen Aaga Isgoyska Fagax ee kala qeybiya degmooyinka Kaaraan iyo Yaqshiid waxa ayna ciidamadu kula dagaalamayeen Ciyaal weerada iyo dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwa ka ganacsada.

Goobta lagu soo bandhigay waxyaabahan ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), isaga oo kormeeray Ciidanka Howgalka waday.

Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Madaale oo Isgooska Fagax Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Maandooriyaha uu halis ku yahay xasiloonida Caasimadda iyo Horumarinta bulshada, isla markaasna ay ka hortagi doonaan.

Sidoo kale guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa waxa uu u mahadceliyay ciidamada howlgalka fuliyay waxa uuna ugu baaqay inay sii laba jibaraan howlgalka ilaa inta muqdisho laga nadiifinayo Ciiyaal weerada, kooxaha burcada ah ee dhaca dadka iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha, howlgalkuna uu noqdo mid sii socda.