Ciidanka DANAB iyo kuwa Jubbaland oo fuliyay howlgal wadajir ah

KISMAAYO-AYAAMAHA-Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidanka DANAB gaar ahaan ururka 5aad ee guutada 16 aad ee CXD ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo wadajir ah ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa DANAB ayaa howlgalka si gaar ah uga fuliyey tuulada Kaamjaroon iyo deegaano kale, kana tirsan Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu burburiyay dhamaan saldhigyadii ay aagaas ka deganaayeen Al-Shabaab iyo goobihii ay weerarada kasoo abaabuli jireen ee tuulada Kaamjaroon iyo deegaanada hoos taga sida Kaliil, Dhalajo, Reebaay iyo Yaaqxaluul.

Saraakiil katirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland ee howlgalka qeybta ka ahaa ayaa Warbaahinta u sheegay inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa inta degaannada Jubbaland laga saarayo Xubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa DANBA ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar kala duwan howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab ka fuliyea deegaano kamid ah Jubbada Hoose, waxaana xusid mudan in Ciidanka xiliyada qaarkood ay iska caabin kala kulmaan Al-shabaab oo ku sugan degaano ka tirsan Gobolkaas.