Ciidanka DANAB iyo kuwa Jubbaland oo howlgal ku dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Guutada 16aad Ururka 5-aad ee Ciidanka DANAB ayaa howlgallo qorsheysan saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulkaas.

Ciidamada ayaa si wadajir ah howlgallka qorsheysan uga fuliyey deegaanada Beerxaani, Qudus, Labikuus, Gaabow Gabdhooley, Shabac , Ceelcad, Cabdi dhoore, Mudulow, Qotey Tuweer iyo Buurqeylo oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka oo la hadlay  warbaahinta ku hadasha Afka Jubbaland ayaa u sheegay in howlgalka inta uu socday lagu dilay laba Sarkaal oo kamid ahaa Al-shabaab, waa sida hadalka u dhigeen Saraakiisha Ciidamada.

Sidoo kale waxaa ay intaas kusii dareen Saraakiisha Ciidanka Guutada 16aad Ururka 5-aad ee Ciidanka DANAB iyo kuwa Jubbaland inay gacanta ku dhigeen gaari nooca Succeed-ka ah, 2 Qori oo AK47 ah iyo tiro miinooyin ah.

Ciidanka daraawiishta Maamulka iyo kuwa DANAB ayaa xiliyada qaarkood waxaa ay howlgalo qorsheysan ay ku dilaan Saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-shabaab, iyadoona dhinacyada ay  dhexmaraan dagaalo kala duwan oo dhaliya khasaaro kala duwan..,