Ciidanka DANAB Oo Burburiyay Xarumo Ay Lahaayeen Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Kumaandooska Guutada 16aad ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bay, waxay ku burburiyeen xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Deegaanada howlgalka laga sameeyay ayaa waxay kala yihiin Buur Heybe, Jiira Koolow, Durdurow, saaxweyn iyo Yaaq-doomaar, kuwaasoo hoos-taga degmada Buurhabaka.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ee howlgalka hoggaaminaya ayaa sheegay inay burburiyeen xarumo Al-Ahabaab ku lahaayeen deegaanada ay Ciidamada howlgalka ka sameeyeen.

Waxaa kaloo Saraakiisha ay sheegeen in howlgalka ku qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab, mootooyin ay isticmaali jireen iyo agab ciidan, kaddib markii ay isaga baxeen deegaanada howlgalka laga sameeyay.

Ciidanka Kumaandooska DANAB ee uu Mareykanka tababaro ayaa howlgallo ka fuliya deegaanada Al-Shabaab ku sugan yihiin, waxaana howlgalada qaar kala qeyb qaata Ciidamada Mareykanka.