Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ururka 4aad Guutada16 Ee Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal Qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ka sameeyay deegaannada Tooratoorow & Caliyoow Baaroow oo dhamantood kawada tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburin barkontarool oo ay ku lahaayeen degaannadaas Al-Shabaab, isla markaana dadka ay lacago uga qaadi jireen.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay lix Xubnood oo katirsan Al-Shabaab kuna sugnaa degaananda Tooratoorow & Caliyoow Baaroow, isla markaana ay la wareegeen Barta-koontorool oo ay lacagaha ku qaadayeen.

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidamada DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ay kaga sugan yihiin ay uga saaraan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidanka DANAB waxaa ay kordhiyeen howlgallada ay ka fulinayaan Gobolada Shabeellooyinka, halkaas oo mararka qaar ay Al-Shabaab ka fuliyaan weeraro qorsheysan..