Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 4aad Guutada 16-aad Ciidanka ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey Degaanka Goobaale ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Howlgalka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanka, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in dadka ay dhibaateeynayeen.

Sidoo kale waxay sheegeen in howlgalkan uu qayb ka yahay Halwgallada guud ee dalka looga saarayo Ururka Al-Shabaab & Kooxda Daacish

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa waxaa ay mar walba howlgallo joogto ah ka sameeyaan degaano katirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.