BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Ciidamada Dawladda iyo kuwa macawiisleyda gobolka hiiraan oo is kaashanaya ayaa saaka aroortii hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka xalfooleey oo ku taalla meel udhaw xadka kala qaybiya gobollada hiiraan iyo shabeellaha dhexe.
Ciidamada oo si xirfadaysan jidka ugu galay koox katirsan al shabaab oo safar ahaa ayaa waxa laga gubay mid ka mid ah gawaaridii ay wateen shabaabka iyagoo dilay tobaneeyo ka tirsan shabaabka ahaa ee halkaas ku socdaalayey.
Qorshahaan ayaa mid ku cusub shabaab oo aysan horay u aqoon dagaalka nuucaan ah ayaa aad ukala cararay kuna kala lumay dhulka hawdka ah,sida lagu sheegay war ay tebisey warbaahinta Dawladda Soomaaliya.
Ciidamada dawladda iyo dadka deegaanka ayaa halkaas ka wada hawlgal lagu dhamaystirayo kooxda shabaab ee ku firxaday duurka ama dhulka baadiyaha.