Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo gacanta ku dhigay Rag katirsan Alshabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Mudug ayaa howlgalo qorsheysan ku qabtay saddex Horjooge oo ka tirsan kooxda Alshabaab.

Horjoogayaashan oo lagu kala magacaabo Cabdirashiid Macalin Cali Durdurshe, Cabdi Gaanyaco iyo Mascuud Cali Lugeey, ayaa lagusoo bandhigay magaalada Xarardheere.


Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in horjoogayaashan ay kamid ahaayeen saraakiisha firxadka ah Alshabaab ee ka cararay howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda Mudug.

Dhinaca kale, waxaaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Xarardheere halkaas oo ay ciidamadu isku fidiyeen deegaanada hoos yimaada.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay Alshabaab ku baacsanayaan duurka, iyagoo ka hortagaya inay Alshabaab sameeyaan fursad ay iskusoo abaabulaan.


Alshabaab ayaa badi soo weeraray deegaanadii laga saaray, taasoo ciidamada ku noqotay dhabarjab, taasoo keentay in dowladdu haatan dib uga fekerto sidii looga hortagi lahaa weerarada nuucaan ah.