Ciidanka Dowladda Oo Fuliyay Howlgal Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

MUQDISHU-AYAAMAHA-Ciidanka Kummaandooska DANAB gaar ahaan kuwa Ururka 4-aad guutada 16-aad ee Xoogga dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo qorsheysan ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Ciidanka Kummaandooska DANAB ayaa howlgalkaas si gaar ah uga fuliyey degaanka Gamboole oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, iyadoona degaanka ay tageen Ciidanka dowladda.

aliyaha guutada 16-aad Kummaandooska DANAB Gashaanle dhexe, Axmed Cabdullaahi  Nuur Beeryare ayaa waxaa uu sheegay in inta uu socday howlgalka lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo joogay Gamboole ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliye Axmed Cabdullaahi Beeryare ayaa tilmaamay in la dilay 5 Sarkaal iyo xubno kale oo kamid ah Shabaabka, waa sida uu hadalka u dhigay Taliyaha oo intaas kusii daray in howlgalka la fuliyay uu yahay mid sii socon doona.

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ka fuliyay howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab, waxaana dhinacyada marar kala duwan dhexmaray dagaalo khasaaro kala duwan dhaliye.