Ciidanka dowladda oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab fuliyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay geeysay Gobolka Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka fuliyeen degaano hoostaga degmooyinka Dooloow iyo luuq ee Gobolkaasi Gedo.

Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay inta u dhaxeysa degaanka Gedweyne iyo dehmada Luuq gaar ahaan degaanka Shaataloow, halkaas oo dhowr jeer ay Al-Shabaab weeraro ka fuliyeen.

Howlgalka oo ay si wadajir ah u fuliyeen dhamaan ciidamada qalabka sida ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa waxaa hoggaaminayey sarakiil sare oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka ee Gobolka Gedo Gashaanle sare Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan, Abaanduulaha guutada 10aad qeybta 43aad ee Ciimada Xooga Gashanle dhaxe Cismaan Cabdi Qorax iyo taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo Gashaanle sare Cabduqaadir Cumar Biixi

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgalka kula wareegeen degaano dhowr ah oo ay gacanta ku hslayeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana dadka ay ku dhibaateyn jireen..