Ciidanka dowladda oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Ururka 35 Aad guutada 7aad Qeybta 60aad ee xoogga dalka ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka Koowaad ayaa Ciidamadu waxaa ay ka fuliyeen tuulooyinka kala ah, keysaney, Ceel Mashiidiyo, Afar Buulo Murusade oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha Ururka 35aad ee Ciidanka xoogga dalka Dhamme Axmed Maxamuud Cali ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa Mid lagu baadi goobayay Xubno katirsan  Al-Shabaab, isla markaana si guul ah uu kusoo dhamaaday.

Dhinaca kale Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal lagu xaqiijinayo Ammaanka ka sameeyey Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa xaqiijinta Ammaanka Xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Walaweyn oo habeen ka hor uu ka dhacay Qarax miino oo geystay dhimasho iyo dhaawac

Taliyaha ururka 64 aad ee Ciidanka xoogga daka Cali Cabdullaahi Halac ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay rag looga Shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayna baaritaano kuhayaan.