Ciidanka dowladda oo la wareegay gacan ku heynta degaanka Masjid Cali Guduud

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa hadda la wareegay degaanka Masjid Cali Guduud oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa si nabad gelyo ah ula wareegay, mana jirin dagaal ay kala kulmin kooxdii hore u hesatay.

Al-Shabaab ayaa deegaankaasi kusoo bandhigtay odayaal ay sheegeen in ay u dagaalami doonaan dhawaan.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee howlgalka hoggaaminaysa ayaa Risaala u sheegay in deegaankaan ay kasii gudbi doonaan, islamarkaana u jeedkoodu uu yahay in ay gaaraan degmada Aadan Yabaal ee Shabeellaha Dhexe Al-Shabaab ay ku xooggan yihiin.

Ciidanka dowladda ayaa sii maray degaano badan oo Shabaab ay gacanta ku hayeen,kuwaasoo ay si weyn ugu xooganaayeen sanadyadii lasoo dhaafay.

Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminaya Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Hirshabeelle.